La Joog Shaqada Kadib Cudur ama Dhaawac
Haddii aad leedahay dhaawac ama xanuun saameynaya awooddaada shaqo, barnaamijka RETAIN Minnesota ayaa diyaar u ah inuu ku caawiyo.
Waqtigan adag ee noloshaada, MN RETAIN wuxuu kaa caawin karaa inaad dib ugu laabato goobta shaqada. Maareeyaha Kiiska ee RETAIN ee Qorshaha Ku-noqoshada Shaqada wuxuu ka mid yahay kooxdaada daryeelka caafimaad, wuxuuna la shaqeyn doonaa adiga, shaqo-bixiyahaaga, iyo bixiyahaaga adeegyada caafimaadka si:
- Laguugu caawiyo adiga iyo shaqo-bixiyahaaga qorsheynta ku-noqoshada shaqada
- Loo aqoonsado hawlo shaqo oo ammaan ah iyadoo lagu saleynayo talooyinka bixiyahaaga caafimaad
- Loo cusboonaysiiyo bixiyahaaga caafimaad xogta horumarkaaga inta u dhaxaysa ballamaha
- Loo hagaajiyo qorshahaaga ku-noqoshada shaqada iyadoo lala xiriiro adiga, shaqo-bixiyahaaga, iyo bixiyahaaga caafimaad
- Loo bixiyo jawaabo su’aalahaaga iyo taageero dheeraad ah
Shuruudaha U-qalmitaanka
Waxaad u qalmi kartaa adeegyo dheeraad ah oo ay bixiso RETAIN Minnesota haddii aad buuxiso shuruudaha soo socda:
- Waxaad ku nooshahay kuna shaqaysaa gobolka Minnesota
- Waxaad shaqaysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay
- Waxaad qabtaa dhaawac ama xanuun saameynaya shaqadaada
Sida loo isticmaalo
Haddii aad xiiseyneyso inaad wax badan ka ogaato, la xiriir: worker@mnretain.com
Wixii faahfaahin dheeraad ah booqo: https://mnretain.com/