Adeegyada Shaqada ee Veterans-ka (Dadka Ciidanka Soo Maray)
Adigu si sharaf leh ayaad ugu adeegtay waddanka, haddana annagaa sharaf u aragna inaan kuu adeegno.
Khabiirada CareerForce waxay diyaar u yihiin inay taageero ku siiyaan si aad ugu guuleysato xirfad rayid ah kadib adeeggii milatari. Kooxdayada u heellan waxay si gaar ah kuula shaqeyn doonaan si ay kuugu keenaan adeegyo gaar ah oo si toos ah ula jaanqaada baahiyahaaga:
- In lala sameeyo ama lagu hagaajiyo CV iyo waraaqaha codsiga shaqada
- In lala dejiyo istaraatiijiyad guul leh oo ku saabsan raadinta shaqo
- In lagu siiyo macluumaad la xiriira shatiyada, aqoonsiyada xirfadeed, iyo barnaamijyada tababarka (apprenticeships)
- In laguu helo macluumaad ku saabsan faa'iidooyinka shaqada, xuquuqda, iyo mudnaanta shaqo ee loogu talagalay veterans
- In si toos ah laguu gudbiyo fursado shaqo
Adeegyada diiradda lagu saarayaa in lagaa caawiyo gaarista yoolalkaaga xirfadeed waa bilaash oo loogu talagalay ka-qaybgalayaasha u qalma.
Shuruudaha U-qalmitaanka
Tani waa adeeg loogu talagalay xubnaha hadda ka tirsan ama hore uga tirsanaa milatariga Mareykanka.
Sida loo isticmaalo
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, la xiriir shaqaalaha CareerForce ee xarunta kuu dhow.