Qalabka Raadinta Shaqada

smiling person wearing headphones looking at laptop

Horumari qalab xoogan

Kahor intaadan bilaabin codsashada shaqo, waa inaad horumarisaa qalab wanaagsan oo aad ku raadiso shaqo si aad naftaada ugu suuqgeyso loo shaqeeyayaal. Qalabkan waxaa ka mid ah CV-ga (resume), warqadaha codsiga (cover letters), xusuus-qor qorista waraysiga, tusaalooyin shaqo aad horey u qabatay, iyo dukumentiyo kale oo muhiim ah. Dukumentiyadan waa in si nidaamsan loo diyaariyo, si sahlan loo wadaagi karo, sax ah, qalad la’aan, oo soo jiidasho leh loo shaqeeyayaasha mustaqbalka. Jidka ugu fiican ee aad ku bilaabi karto horumarinta qalabkaaga raadinta shaqada waa inaad la hadasho khabiir ka tirsan CareerForce, aad ka qeyb gasho aqoon-is-weydaarsi ama labadaba.

La xiriir CareerForce

Hel caawimo gaar ah oo ku saabsan raadinta shaqo ee gobolkaaga Minnesota – dhamaantood si bilaash ah!

Naqshadaan waxaa kuukeentay Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Minnesota). Waxaa hirgeliyay adeegaan CiviServ, halka shatiga macluumaadka uu bixiyay webseetka CareerForceMN.com ayadoo la adeegsanaayo xeerka CC BY 4.0.  Waa xubin muhiim ah oo iskaashi laleh ururka American Job Center (Xarunta Shaqada Maraykanka).