Ilooyinka Luminta Shaqada

anxious looking woman at a laptop

Caawimaad Haddii Aad Shaqada Lumisay

Luminta shaqadu waa mid adag. Haddii aad shaqadaada lumisay, waxaa laga yaabaa inaad la kulanto caqabado waaweyn oo dhanka dareenka, maskaxda, dhaqaalaha, iyo jirka ah. Luminta shaqadu waxay kugu qasbi kartaa inaad bedesho caadooyinkaaga qarash gareynta ama ay saameyn ku yeelato isku kalsoonaantaada. Sidoo kale, waxay kicin kartaa hamigaaga kobaca xirfadda ama xitaa bilaabashada ganacsi kuu gaar ah. Markaad la kulanto luminta shaqo, waa muhiim inaad hesho taageero adag si ay kaaga caawiso inaad hore u socoto. Meel wanaagsan oo aad ka bilowdo waa kulan qof-ka-qof ah oo aad la yeelato khabiir xirfadeed oo ka tirsan CareerForce. Khubaradayada xirfadaha waxay khibrad u leeyihiin inay kaa caawiyaan sidii aad uga faa'iidaysan lahayd xirfadahaaga iyo khibradaada si aad u hesho boos shaqo oo kugu habboon.

Naqshadaan waxaa kuukeentay Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Minnesota). Waxaa hirgeliyay adeegaan CiviServ, halka shatiga macluumaadka uu bixiyay webseetka CareerForceMN.com ayadoo la adeegsanaayo xeerka CC BY 4.0.  Waa xubin muhiim ah oo iskaashi laleh ururka American Job Center (Xarunta Shaqada Maraykanka).