Waxaa Isticmaali Kara Dadka oo Dhan

computer keyboard close up featuring white colored keyboard

CareerForce.MN.gov waxaa loo sameeyey in dadka oo dhan ay wada isticmaalaan

Waxaad isticmaali kartaa dhamaan kheyraadka ku jira bogga adiga oo u maraya taleefankaaga, taabletkaaga ama kombuyuutarkaaga Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho barawsarka intarnetka ee lagu taliyey si aad ugula kulanto isticmaalka ugu wanaagsan.

Waxaan haynaa illo onleenka ama qof ahaan ah oo lagu heli karo af Soomaali iyo Isbaanish ah, sidoo kale sida caawinta Hmong iyo luuqado kale Ka raadi faahfaahin dheeraad ah bogeena Language Services (Adeegyada Luuqadeed) .

Hay'ada CareerForce waxay kaloo bixisaa illo onleenka ama qof ahaan oo ka caawiyo dadka dadka naafada ah inay helaan shaqooyin ku haboon.

CareerForce ayaa laga yaabaa inay kugu xiriiriyaan fursadaha waxbarashada iyo tababarka si aad u horumariso xirfadaada kombiyuutarka, Luqadda Ingiriisiga iyo xirfadaha kale ee aasaasiga ah..

Ma haysaa talo soo jeedin ku saabsan sida ay CareerForce ugu noqon karto mid ay dadka oo dhan wada isticmaalaan ama su'aal ku saabsan helitaanka macluumaadka aad u baahan tahay? Aan ogaano!

CareerForce@state.mn.us

651-259-7501

Naqshadaan waxaa kuukeentay Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Minnesota). Waxaa hirgeliyay adeegaan CiviServ, halka shatiga macluumaadka uu bixiyay webseetka CareerForceMN.com ayadoo la adeegsanaayo xeerka CC BY 4.0.  Waa xubin muhiim ah oo iskaashi laleh ururka American Job Center (Xarunta Shaqada Maraykanka).