Caawimaad Haddii Aad Shaqada Lumisay
Haddii aad lumisay shaqadaada sababo aan adiga kaa ahayn, ama haddii aad buuxiso shuruudaha kale ee u-qalmitaanka, waxaan rabnaa inaan kaa caawino sidii aad dib ugu laaban lahayd shaqada. Adeegyada Shaqaalaha Shaqo Beelay waxaa loo habeeyay inay la jaanqaadaan baahiyahaaga gaarka ah, iyagoo ku caawinaya:
- Horumarinta qorshahaaga shaqo adoo kaashanaya khabiir ka tirsan CareerForce Horumarinta qorshahaaga shaqo adoo kaashanaya khabiir ka tirsan CareerForce
- Raadinta shaqo iyo helitaanka shaqadaada xigta
- Isqorista tababar la oggolaaday iyo adeegyada xirfadeed
- Helitaanka kaalmo dhaqaale oo la oggolaaday taasoo taageeri doonta guushaada xirfadeed
Shuruudaha U-qalmitaanka
Adeeggan wuxuu ku saleysan yahay shuruudo u-qalmo. Kala hadal shaqaalaha CareerForce ee kuugu dhow si aad u ogaato haddii aad u qalanto adeegyada Shaqaalaha Shaqo Beelay. Guud ahaan, si aad ugu qalanto adeeggan waa inaad:
- U qalanto shaqo ka helista Maraykanka, IYO
- Buuxiso mid ka mid ah shuruudaha soo socda:
- Inaad qayb ka tahay shaqo-dhimis shaqsiyeed ama koox yar
- Inaad qayb ka tahay xiritaan rasmi ah ama shaqo-dhimis guud
- Inaad horey u ahayd qof iskood u shaqeysta laakiin hadda aad shaqo la’aan tahay
- Inaad tahay qof horey u xannaaneeyn jiray qoyska laakiin hadda u baahan shaqo
- Inaad tahay xubin ka mid ah ciidamada Maraykanka ee shaqada ka tegey ama la kala saaray (oo ay ku jiraan National Guard iyo Reserves)
- Inaad tahay xaaska askari
- Inaad tahay shaqo la’aan muddo dheer
- Inaad qabto dhaawac ama jirro aan shaqo la xiriirin
- Inaad tahay qof qaata kaalmo dadweyne ama leh xirfado aasaasi ah oo hooseeya
Sida loo isticmaalo
Si aad wax badan uga ogaato, la xiriir shaqaalaha CareerForce ee goobta kuugu dhow.