Biloow Ganacsi

woman in military uniform

Adigu batrooni isku noqo

Kadib markaad shaqada ciidanka dhamayso, waxaa wanaagsan inaad adigu madax isku noqoto. Haddii aad tahay xubin hada katirsan ama aad horay uga tirsanaan jirtay milatariga ama aad tahay halgamaa kunaafoobay shaqada ciidanka, waaa jiro fursado badan ood kubilaabi karto aadna kukobcin karto ganacsigaaga.

Minnesota Department of Veterans Affairs (Waaxda Minnesota uqaabilsan Arimaha Dadka Soo halgamay) ayaa bixisa adeegyo dhawr ah oo lagu caawinaayo in dadka ciidanka kasoo shaqeeyay ay noqdaan ganacsato. Markaad ganacsigaaga udiiwaangalisana inuu noqdo mid qof ciidanka kasoo shaqeeyay leeyahay, waxaad kafaaiidaysan kartaa adeegyada adigga o kale loogu talagalay.

Naqshadaan waxaa kuukeentay Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Minnesota). Waxaa hirgeliyay adeegaan CiviServ, halka shatiga macluumaadka uu bixiyay webseetka CareerForceMN.com ayadoo la adeegsanaayo xeerka CC BY 4.0.  Waa xubin muhiim ah oo iskaashi laleh ururka American Job Center (Xarunta Shaqada Maraykanka).