Soo Bandhig shaqo

Adeegso shabakad aad kuhesho dad badan oo xirfad leh

Raadso qaab aad kuhesho dad badan adoo shaqooyinka oonleen kusoo bandhigaaya. MinnesotaWorks.net waa adeeg bilaash ah oo loogu talagalay inuu kuxiro dadka shaqo doonka ah fursadaha shaqo ee jira. Batrooniyaasha ayaa soo galin kara boosaska shaqo kadibna raadsan kara codsadayaal cusub isla markaasba. Shaqsiyaadku waxay soo galin karaan siifiiyadooda intay baarayaan shaqooyin cusub. Waxaas dhan marka lagasoo tago, hadafku wa akaliya inaad hesho xirfada saxda ah ee shaqda qaban karta.

Markaad shaqo oonleen soo galiso, waxaad:

  • SBaari kartaa kaydka ugu balaaran gobalka ee siifiiyada oonleenka ah
  • Waxaad heli kartaa codsadayaal leh khibrado kaladuwan
  • Isticmaal dookha “find more resumes like this" ("raadi siifiiyo kanoo kale ah")
  • Dooro in dadka shaqo doonka ah ee shaqada danaynaaya ay si toos ah uga codsadaaan shaqada webseetkaaga
  • Ukaydso siifiiyada shaqooyika mustaqbalka soo baxaaya

 

Markaad tahay batrooni diiwaangashan, waxaad bilaabi kartaa inaad shaqooyin soogaliso. Shaqada aad soo galiso ayaa lawaafajin doonaa siifiiyada kuhaboon. Halkaas laga bilaabo, codsadayaasha ugu sareeya ayaa lagu aqoonsan doonaa cabirka qiimaynta oo shan dhibcood ah. Waxaad doaran kartaa in ogaysiis laguugusoo diro iimeelka marka codsadayaal cusub buuxshaan shuruudaha shaqadaada ama waxaad gali bartaa barta waxaadna baari kartaa markaad rabto.

Waxaad shaqo badan oo kale kusamayn kartaa oonleenka sidoo kale. Muuji waxa uu qaaska kuyahay ururkaaga si ay u arkaan codsadayaasha soo codsan doona shaqada. Lawadaah xirfadaha aad raadinayso iyo hanaankaaga shaqaalaysiinta ee kuudagsan. Kadibna udiyaar garoow inaad udiyaar garoow shaqaalaha dheeriga ah ee ururkaaga kusoo biiraaya.

Kafiiri buuga macluumaadka batrooniyaasha ee MinnesotaWorks.net.

Maanta biloow

Haddii aad horay ulahayd ciwaanka batrooniga ee barta MinnesotaWorks.net, isla hadda ayaad bilaabi kartaa. Haddii aadan lahayn, iskaqor si aad ufurato ciwaanka batrooniga ee barta MinnesotaWorks.net. Waxaa lagaagala sooxariiri doonaa macluumaad laxariira ciwaankaaga 24 saac gudahood oo kuwa shaqada ah.

Thumbnail

Kaydka Shaqada ee Oonleenka ah

Tusmadaada muhiimka ah eel “sida loo furto"

Si aad usoo xayiiysiiso shaqooyinka aadna u akhrido siifiiyada, batrooniyaashu waxay adeegsan karaan barta MinnesotaWorks.net, oo ah kaydka ugu balaaran ee shaqooyinka laga helo oo oonlen ah bilaashna ah kuna yaala Minnesota.

Naqshadaan waxaa kuukeentay Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Minnesota). Waxaa hirgeliyay adeegaan CiviServ, halka shatiga macluumaadka uu bixiyay webseetka CareerForceMN.com ayadoo la adeegsanaayo xeerka CC BY 4.0.  Waa xubin muhiim ah oo iskaashi laleh ururka American Job Center (Xarunta Shaqada Maraykanka).